Vedtekter for kommunale barnehager, somali

Vedtekter for kommunale barnehager, somali

Go’aammada xannaanooyinka carruuraha ee degmada

Golaha deegaanka [bystyret] wuxuu 2021-kii cusboonaysiiyay xeerarka xannaanooyinka carruurta ee Trondheim.

Golaha deegaanku wuxuu agaasimaha degmada oggolaasho u siinayaa in uu go’aammada wax ka beddeli karo asaga oo ku salaynaya go’aammada degmada ama kuwa qaranka.

1. Mulkiyadda iyo baaxadda

Goobaha xannaanooyinka carruuraha waxaa iska leh degmada Trondheim ama way u kireysan yihiin, degmada ayaana gacanta ku haysa oo maammusha.

2. Hadaf

Xannaanooyinka carruuraha waxaa loo maammulaa si waafaqsan hadafka xeerka xannaanooyinka carruuraha, go’aammada degmada iyo qorshayaasha u yaalla xannaanada carruurta ee gaarka ah.

Xeerka xannaanada carruurta § 1 Hadaf

Xannaanada carruurtu waxay ayada oo is-kaashi iyo is-fahan la leh guriga ka taxaddaraysaa baahida ay carruurtu u qabaan daryeelka iyo ciyaarta, islamarkaana dhiirrigelinaysaa waxbarashada iyo aqoonta kuwaas oo gundhig u noqonaya horummar dhan walba ah. Xannaanada carruurtu waxay ku salaysnaanaysaa waxyaalaha qiimaha aasaasiga ah u leh masiixiyadda iyo aragtida bani-aadminimad sida ixtiraamka qiimaha bini-aadamka iyo bey’adda, xorriyadda fikirka, samafalka, cafiska, sinnaanta iyo midnimada, kuwaas oo ah waxyaalo qiime leh oo ku soo kordha xuquuqda aadanaha.

Waxaa loo baahan yahay in carruurtu dareemaan farxad hal-abuurka la socota, wax is weydiiyaan oo wax sahamiyaan. Waxay baranayaan inay naftooda daryeelaan iyo in midiba midka kale daryeelo iyo inay bey’adda daryeelaan. Waxaa loo baahan yahay in ay carruurtu bartaan aqoon iyo dhammaystir aasiaasi ah. Waxay xaq u leeyihiin inay go’aammada uga qaybqaataan hab ku habboon da’dooda iyo xaaladdooda.

Xannaanada carruurtu waxay carruurta ula dhaqmaysaa si kalsooni iyo ixtiraam leh, ayada oo la aqoonsanayo qiimaha carruurnimada.

Waxay gacan ka geysanaysaa ka-helidda iyo farxadda ciyaarta iyo waxbarashada, waxayna ahaanaysaa goob ammaan ah taas oo laga helo midnimo iyo saaxiibtinnimo dadaal ku yimaada. Xannaanada carruurta waxaa lagu baranayaa dimoqoraaddiyadda iyo sinnaanta, waxaana looga hortegayaa nooc walba oo takoor ah.

Xannaanada carruurtu waxay raacaysaa qodobbada xeerarka xannaanooyinka carruuraha, manhajka xannaanooyinka carruuraha iyo xeer-hoosaadyada kale iyo tilmaamaha ay dejiysay Wasaaradda waxbarashadu.

3. Xaqa loo leeyahay in boos la helo

Carruurta booska xaqa u leh marka la eego xeerka xannaanooyinka carruuraha § 16. Carruurta hal sano buuxiya ugu danbayn dhammaadka bisha ogoosto ee sanadka la codsanayo booska xannaanada carruurta, xaq ayay u leeyihiin in boos xannaano carruur la siiyo laga billaabo bishaas ogoosto.

Carruurta hal sano buuxinaya bilaha sibteembar, oktoobar iyo nofeembar ee sanadka la codsanayo booska xannaanada carruurta, waxay xaq u leeyihiin boos xannaano carruur laga billaabo bisha uu ilmuhu hal sano buuxsho.

4. Qaadashada

Waaxda korriinka iyo waxbarshada ayaa mas’uul ka ah qaadashada oo ayadoo raacaysa shuruudaha qaadashada ee la go’aamiyay ayay bixisaa boos xannaano carruur.

Carruurta degmada Trondheim deeqda xannaanada carruurta waxaa lagu siinayaa hal xannaano carruur.

Degmada Trondheim xannaanada carruurta waxay bixisaa maalmo buuxa oo keliya. Haddii wakhtiga xannaanada carruurta la dhimayo markaas waxay noqonaysaa in la yareeyo tirada maalmaha toddobaadka ee xannaanada carruurta la tegayo, maalmaha ugu yar na waa saddex maalin.

4.1 Shuruudaha qaadashada

Shuruudahan ayaa khuseeyaa qaadasho walba.

4.1.1 Aagga qaadashada

Carruurta ku nool degmada Trondheim. Boos xannaano carruur ayaa la codsan karaa meel kasta oo degmada laga deggan yahay. Si loo billaabo xannaano carruur oo degmadu leedahay waa in qoysku degmada deggan yahay marka uu ilmuhu billaabayo xannaanada carruurta.

Xannaanooyinka carruuraha ee looga hadlo af-saamiga iyo afka dadka
maqalka curyaanka ka ah waxaa loo arkaa in ay yihiin aag gaar ah. Taas
oo ka dhigan in boosaska xanaanooyinkaas carruuraha in mudnaanta la
siin doono codsadayaasha kooxahaas.

4.2 Qaadashada guud

Qaadashada guud waxay khusaysaa carruurta xaqa sharciyanka ah u leh boox xannaano carruur (eeg qodobka 3-aad). Xaqaan waxaa leh carruurta aan haysan boos xannaano carruur, islamarkaana codsaday intaan la dhaafin muddada codsiga ee kama da nbaysta ah taas oo ah 1-da maarso.

4.2.1 Shuruudo ay wadaagaan qaadashada mudnaanta leh ee xannaanooyinka carruuraha ee degmada iyo xannaanooyinka carruuraha ee aysan degmadu lahayn

Carruurta ay hoosayso waxa ay karaan iyo carruurta laga gaaray go’aan ku salaysan xeerka adeegyada maadinta carruurta §§ 4-12 iyo 4-4, faqradda labaad iyo midda afraad, eeg. xeerka xannaanooyinka carruuraha § 18. Caddaymaha laga rabo: Lifaaqa Adeegga qoyska- carruurta iyo/ama qof aqoon caafimaad leh.

4.2.2 Shuruudaha kale ee mudnaanta lagu siiyo qaadashada xannaanooyinka carruuraha

  • Walaalaha carruurta isla meeshaas dhigata.
  • Carruurta deggan aagga u dhow xannaanada carruurta.
  • Qorituur

4.3 Qaadasho beddelasho ah

Qaadashada beddelashada ah waxay khusaysaa carruurta boos xannaano carruur ku haysta Trondheim, oo doonaya in ay u beddeshaan xannaano carruureed oo kale. Muddada codsiga ee kama danbaysta ah waa 1-da febraayo. Waxaa boosaska la qaybiyaa laga billaabo bisha ogoosto.

Codsiga u beddelashada xannaanooyin carruureed oo isku aag ku yaalla waxaa loo dirayaa madaxa aaggaas.

4.3.1 Shuruudo ay wadaagaan qaadashada mudnaanta leh ee xannaanooyinka carruuraha ee degmada iyo xannaanooyinka carruuraha ee aysan degmadu lahayn

Carruurta ay hoosayso waxa ay karaan iyo carruurta laga gaaray go’aan ku salaysan xeerka adeegyada maadinta carruurta §§ 4-12 iyo 4-4, faqradda labaad iyo midda afraad, eeg. xeerka xannaanooyinka carruuraha § 16. Caddaymaha laga rabo: Lifaaqa Adeegga qoyska- carruurta iyo/ama qof aqoon caafimaad leh.

4.3.2 Shuruudo kale oo mudnaan lagu siiyo qaadashada xannaanooyinka carruuraha ee degmada

Carruurta boos ka haysata xannaano carruur oo qoys, mudnaan ayaa la siiyaa haddii la codsado in loo beddesho xannaano carruur oo caadi ah. Waxaa shardi ah in ilmuhu buuxshay saddex sano ama saddex sano buuxin doono sanadkaas dhexdiisa.
Walaalaha ilmo isla meeshaas dhigta.
Ilmo deggan agagaarka xannaanada carruurta oo boos ka haysta xannaano carruur oo aaggaas ka baxsan.
Ilmo deggan agagaarka xannaanada carruurta oo boos ka haysta xannaano carruur oo aaggaas ku taalla.
Qorituur.

4.4 Qaadasho dheeri ah

Sanadka oo dhan ayaa carruurta la qaataa haddii uu boos bannaanaado. Waxaana la qaataa carruurta haysata boos xannaano carruur iyo kuwa aan haysan labadaba ee booska soo codsada wakhtiyada ka baxsan qaadashada guud iyo qaadashada dadka beddelashada ah.

4.4.1 Shuruudo ay wadaagaan qaadashada mudnaanta leh ee xannaanooyinka carruuraha ee degmada iyo xannaanooyinka carruuraha ee aysan degmadu lahayn

Carruurta ay hoosayso waxa ay karaan iyo carruurta laga gaaray go’aan ku salaysan xeerka adeegyada maadinta carruurta §§ 4-12 iyo 4-4, faqradda labaad iyo midda afraad, eeg. xeerka xannaanooyinka carruuraha § 18. Caddaymaha laga rabo: Lifaaqa Adeegga qoyska- iyo carruurta iyo/ama qof aqoon caafimaad leh
Carruurta sanadka xannaanada carruurta gudihiisa booska u waaya xannaanadii carruurta oo la xiro ama fasax la galo.

4.4.2 Shuruudo dheeri ah oo khuseeya qaadashada mudnaanta leh ee xannaanooyinka carruuraha ee degmada

Carruurta qoysas ay culays weyn ku hayaan cudur iyo/ama waxyaalo kale. Caddaymaha laga rabo: Lifaaq ka yimid dhakhtar, isbataal ama Adeegga qoyska- iyo carruurta.
Carruurta waxaa mudnaanta loo siinayaa sida ay u kala da’ weyn yihiin, ilmaha ugu da’ weyn ayaana booska loogu hor siinayaa.

5. Lacag-bixinta waalidka

Stortinget ayaa sanad walba gooya qiimaha ugu badan ee sanadkiiba lagu bixinayo booska xannaanada carruurta. Qiimahaas waa midka booska buuxa. Marka la samaynayo miisaaniyadda sanadka ayuu golaha deegaanku gooyaa heerarka lacagta ee ay waalidku bixinayaan iyo xeerarka lacag-dhimista iyo wakhtiga xannaanada carruurta la joogo (kjernetid) ee bilaashka ah.

Qiimaha ugu badan waxaa loo qaybiyaa kow iyo toban bilood, halkaas oo aan lacag la bixinayn bisha luuliyo.

5.1 Lacagta cuntada

Lacagta cuntadu waa dheeri. Lacagta cuntada waxaa gooya madaxa xannaanada carrurta asagoo kaashanaya guddiga waalidka iyo shaqaalaha ee xannaanada carruurta.

5.2 Qiima-dhinka walaalaha

Qiima-dhinka walaaluhu waa boqolkiiba 30 ee ilmaha labaad, laga billaabo ilamaha saddexaad na waa boqolkiiba 50. Qiima-dhinka walaalaha waxaa xataa loo fidiyaa walaalaha dhigta xannaanooyin carruur oo kala duwan.

Qiima-dhinka walaalaha waxaa la siiyaa walaalaha joogtada isula deggan. Carruurta waxaa loo arkaa in ay joogto u deggen yihiin ciwaanka ay uga jiraan diiwaanka dadweynaha.

Haddii ay waalidku ku heshiiyeen in ay ilmuhu labadoodaba la degganaadaan ayaga oo kala deggan, waxaa markaas ilmaha loo arkayaa in ay labada meelood ba joogto ula deggan yihiin labada waalidba. Waa in la keenaa codsi wata caddaynta heshiiska isla joogista (ugu yaraan boqolkiiba 40).

Lacagta cuntada laguma bixiyo qiima-dhin walaalo.

5.3 Lacagta waalidku bixiyaan oo loo dhimayo sababo dhaqaale awgood iyo wakhti xannaanada carruurta la joogayo oo bilaash ah.

Degmada Trondheim waxay ka baaraandegtaa codsiga dhimista lacagta ay waalidku bixinayaan ayadoo la raacayo xeerarka qaranka ee ka yaalla lacag-bixinta waalidka ee dakhliga ku salaysan iyo wakhtiga xannaanada carruurta la joogayo ee bilaashka ah.

5.4 Lacagta waalidku bixiyaan oo la dhimayo haddii xannaanada carruurta loo xiro xaalado aan caadi ahayn awgood

Haddii xannaanada carruurta loo xiro xaalado aan caadi ahayn awgood, waxaa waalidka loo celin karaa lacagta maalmihii ay xannaanada carruurtu xirnayd.

5.5 Lacagta oo layska dhaafayo haddii la jirrado

Marka uu ilmo jirro darteed u maqnaa muddo hal bil ka badan oo isku xiran, waxaa waalidka laga dhaafi karaa lacagta ay bixinayaan kaddib marka ay taas soo codsadaan. Muddada jirrada waa in la soo caddeeyaa ayada oo la keenayo caddayn dhakhtar ka timid.

6. Ka bixidda booska

6.1 Booska waa in looga baxaa bogga codsiyada

Muddada ka bixidda boosku waa hal bil, oo laga soo billaabayo kowda bisha. Lacagta waa in la baxshaa muddada ka bixidda booska oo dhan.

Xeerarka ka bixidda boosku waxay xataa qabanayaan dadka booska aqbalay, oo is beddelay ayaga oo aan weli xannaanadii xarruurta billaabin.

6.2 Boos ka bixidda marka loo beddesho xannaano carruur oo isla degmada ku taalla

Marka loo kala beddesho boosas xannaano carruur oo degmada dhexdeeda ah, markay waalidku aqbalaan boos xannaano carruur oo cusub ayay si otomaatig ah uga baxayaan midka ay markaas haystaan.

Marka loo kala beddesho boosas xannaano carruur oo gaar loo leeyahay, ama xannaano carruur oo gaar loo leeyahay iyo kuwo ay degmadu leedahay, markaas waa in ay waalidku ka baxaan booska ay markaas haystaan.

Marka laga reebo: Marka qaadashadu beddelaad tahay booska si otomaatig ah ayaa looga baxayaa marka loo kala beddesho xannaanooyin carruuro oo Trondheim ku yaalla. Taas oo khuseysa carruurta dhigata xannaanooyinka carruuraha ee degmada iyo kuwa gaarka loo leeyahay labadaba.

6.3 Marka ay degmadu booska ilmaha ka joojiso

Waxay degmadu booska xannaanada carruurta ilmaha ka joojin kartaa ayada oo hal bil horteed sii sheegaysa, taas oo ka billaabanaysa kowda bisha.

Ka joojinta noocaan ah waxaa keeni kara lacagta oo la bixin waayo, degmada oo laga guuro ama haddii booska lagu bixiyay warbixinno khalad ah dartood.

7. Ka guuridda degmada

Haddii uu qoysku degmada ka guuro, hal bil ayuu ilmuhu booska sii haysan karaa. Haddii ay jiraan xaalado khaas ah oo sheegaya in ilmuhu sii dhigto xannaanada carruurta wax bil ka badan, qoyska ayaa taas ka codsan kara Waaxda korriinka iyo waxbarashada.

8. Fasaxa booska xannaanada carruurta

Codsiga fasaxa booska xannaanada carruurta waxaa xannaanada carruurta loo dirayaa ka hor kowda bisha iyo ugu yaraan hal bil ka hor wakhtiga fasaxa la qaadanayo.

Fasaxa lama bixin karo ilmihii oo aan weli billaabin xannaanada carruurta. Codsiga fasaxa waxaa la oggolaan karaa ayada oo aan lacag la bixinayn haddii uu ilmo kale booska qaadan karo inta fasaxa lagu jiro.

9. Fasaxa nasashada ah

Carruurta dhigata xannaanada carruurta waxaa sida caadiga ah looga baahan yahay in ay afar toddobaad oo fasax ah qaataan sanadkiiba. Ugu yaraan saddex toddobaad ayaa la rabaa in ay yihiin kuwo isku xiga inta lagu jiro xagaaga. Waalidka/mas’uuliyiinta ilmaha ayaa fasaxa xagaaga ee ilmaha u soo gudbinaya madaxa qaybta intaan la gaarin 1-da maajo.

Xannaanooyinka carruuraha ee degmada saddex saddex toddobaad oo
isku xiga ayaa la xiraa bisha luuliyo. Xannaanooyinka carruuraha oo dhan
waa xiran yihiin toddobaadyada 28 iyo 29. Madaxa xannaannada carruurta,
oo kaashanaya golaha wadashaqaynta ee xannaanada carruurta, ayaa
go’aaminaya in toddobaadka saddexaad ee ay xannaanada carruurtu
xirnaanayso in uu noqdo toddobaadka 27 ama toddobaadka 30.

10. Maalmaha qorshaynta

Shaqaalaha xannaanada carruurtu waxay sanadkiiba leeyihiin shan maalmood oo qorshayn ah. Maalmahaas xannaanada carruurtu waa xiran tahay.
Warbixinta maalmaha xannaanada carruurtu xiran tahay waxay ku qoran yihiin kalandarka iskoolka- iyo midka xannaanada carruurta.

11. Wakhtiyada furitaanka

Way kala duwanaan karaan wakhtiyada ay furan yihiin xannaanooyinka carruuraha ee kala duwan ee degmada. Warbixinta wakhtiga furitaanka waxaa lagu qorayaa bogga internetka ee xannaanada carruurta. Dejinta wakhtiyada furitaanka ama wax-ka-beddelidda wakhtiyada furitaanka waxaa go’aamiya madaxa waaxda oo kaashanaya guddiga waalidka iyo shaqaalaha.

Habeenka ciidda masiixiga, habeenka sanadka cusub iyo arbacada ka horreysa khamiista skjærtorsdag waxaa xannaanooyinka carruuraha la xiraa saacadda 12.00, haddii aan wax kale la go’aamin. Wakhtiyada furitaanka ee maalmaha kale ee ciidda masiixiga iyo ciidda booskaha waxaa laga heshiiyaa kaddib marka loo kuurgalo baahida loo qabo, waxaana go’aan ka gaara madaxa waaxda oo kaashanaya guddiga waalidka iyo shaqaalaha/golaha wadashaqaynta ee xannaanada carruurta.

12. Guddiga waalidka iyo guddiga waalidka iyo shaqaalaha

Waxaa loo baahan yahay xannaano carruur oo walba in ay leedahay guddi waalid. Waalidka carruurta xannaanada carruurta dhigata oo dhan waa ku jiraan guddiga waalidka, ayaga ayaana iska dooranaya dadka ku matalaya guddiga waalidka iyo shaqaalaha ee xannaanda carruurta. Guddiga waalidka iyo shaqaaluhu wuxuu u dhigmaa qodobbada xeerka xannaanada carruurta, § 4 ee ku saabsan golaha wadashaqaynta, waxaana uu ka kooban yahay waalidka/mas’uuliyiinta carruurta iyo shaqaalaha, si ay labadoodu u helaan matalaad isku mid ah.

Guddiga waalidka iyo guddiga waalidka iyo shaqaalaha waxay ka taxaddarayaan danaha carruurta iyo waalidka, ayaga oo gacan ka geysanaya in ay xannaanada carruurta iyo waalidku si fiican u wada shaqeeyaan.

13. Aagga joogista- iyo ciyaarta

Aagga joogista- iyo ciyaarta ee xannaanada carruurtu wuxuu noqonayaa si waafaqsan nidaamka hagaha kaas oo ah 4 mitir oo laba jibbaraan carruurta ka weyn saddex sano iyo 5,3 mitir oo laba jibbiraan carruurta ka yar saddex sano.

14. Caymis

Caymis guud oo shilalka ah ayay ku jiraan dhammaan carruurta boos ka haysata xannaanooyinka carruuraha ee degmada.

Sist oppdatert: 03.01.2022

Fant du det du lette etter?

Gå til toppen

arrow_upward