På somali

På somali

Ardayda cusub ee ku hadasha afafka kala
duwan

Mark aad Trondheim timaaddaan, waa in aad heshaan dugsiga ilmihiinna u dhow (Nærskole).

Dugsiga la xiriira asaga ayaa idiin sheegi doona deeqaha ay degmada Trondheim idiin fidin kartee. Ilmuhu wuxuu dhigan karaa dugsi u dhow ama dugsi leh qayb qaabbilaad. Dugsiga idiin dhow iyo adinka ayaa si wadajir ah u gaari doona xalka ugu wanaagsan.

Dugsiyada waxa ay ugu tala galeen ardayda cusub

Ardayada cusub ee fasalka koowaad iyo fasalka labaad waxa ay ka
bilaabayaan dugsiga ugu dhaw ee ku yaalo xaafadooda. Degmada
Trondheim waxay ka siinaysaa ardayda cusub ee fasalada sedexaad ilaa iyo
fasalada tobonaad, dugsiyada waxbarashada asaasiga leh. Dugsiyada leh qaybaha qaabbilaadda ayay degmadu ugu badnaan 2 sano boos ka siisaa ardayda ku hadla luuqadaha laga tirada badan yahay. Dugsiga idiin dhow ayaa boos u codsanaya haddii aad doonaysaan in ay ilmihiinnu dhigtaan dugsi noocaas ah. Codsiga waxaa ka baaraandegaya Oppvekstadministrasjonen.

Haddii uu ilmuhu yaqaanno afnorwiiji ku filan, waxaan markaas ku talinnaa in uu dhigto dugsiga u dhow.

Trondheim waxay leedahay toddaba dugsi oo leh qaybta qaabbilaadda ee ardayda cusub ee ku hadla luuqadaha laga tirada badan yahay, shan ka mid ah waa dugsiyo hoose (Berg, Bispehaugen, Dugsiga hoose ee Huseby, Ila, Kattem, Lade) iyo labo dugsiyada dhexe ah (Dugsiga dhexe ee Huseby iyo Rosenborg).

Waxbarashada afnorwiijiga ee khaaska ah

Ilmahaagu wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho afnorwiiji oo khaas ah ilaa iyo inta uu/ay ka baranayo/baranayso afnorwiiji ku filan in uu/ay la socdo/socoto waxbarashada caadiga ah. Waxbarashada afnorwiijiga ee khaaska waa mid ardayda lagu siiyo waxbarasho afnorwiiji oo aasaasi ah. Mararka qaarkood waxay taasi noqon kartaa in ardayga la baro afkiisa hooyo iyo/ama in maaddooyinka lagu baro afkiisa hooyo. Dugsiga ayaa si joogto ah u qiimaynaya in uu ilmuhu yaqaanno afnorwiiji ku filan in uu kula socdo waxbarashada caadiga ah. Xaqa loo leeyahay waxbarashada afnorwiijiga ee khaaska ah wuxuu meesha ka baxayaa marka uu ilmuhu barto afnorwiiji fiican oo ku filan.

Dugsiga ayaa u kuurgelaya aqoonta afnorwiijiga eeg Xeerka waxbaridda § 2-8, si qiimayn loogu sameeyo in uu ilmuhu u baahan yahay waxbarasho khaas ah. Haddii ay dugsiga u caddaato in uu ilmahaagu u baahan yahay waxbarasho khaas ah, markaas wuxuu dugsigu gaarayaa go’aan lagu caawinayo. Go’aanku wuxuu sharraxayaa inta saacadood ee la siinayo iyo sida wax loo barayo.

Barashada qorista- iyo akhrinta afka hooyo ee fasallada 1.-3aad.

Haddii uu ilmuhu afka hooyo si wanaagsan u yaqaanno, wuxuu markaa u isticmaali karaa in taasi ka taageerto sidii uu afnorwiijiga si fiican ugu baran lahaa. Taas oo micnaheedu yahay in ilmaha afka hooyo wax lagu barayo si uu afnorwiiji u barto. Xaqa uu u leeyahay in afka hooyo lagu baro akhriska- iyo qoraalka wuxuu la socdaa xaqa uu u leeyahay waxbarashada khaaska ah ee afnorwiijiga. Taas oo micnaheedu yahay in aan ilmahaaga afka hooyo wax lagu bari doonin hadduu uusan xaq u lahayn waxbarashada khaaska ah ee afnorwiijiga. Waxbarashada akhriska- iyo qorista ee afka hooyo waxay dhacdaa wakhtiyo ka baxsan saacadaha waxbarashda kale ee caadiga ah, waxaana wax la baraa fasallada 1-3aad. Waxay waxbarashadu ka dhici kartaa dugsi aan ahayn midka uu ilmuhu dhigto.

Fasallada 4-10aad oo maaddooyinka loogu dhigayo laba luuqadood

Carruurta dhigata fasallada 4-10aad waxay degmadu ugu deeqdaa in maaddooyinka loogu dhigo laba luuqadood, waxaana sida caadiga ah waxbarashadaas loo dhex geliyaa midda kale ee caadiga ah. Waxbarashada maaddada ee labada luuqadood waxaa laga wadaa in afnorwiiji iyo afka hooyaba la isticmaalo si uu ilmuhu u barto maaddadii iyo afnorwiijigii labadiiba.

Degmada Trondheim waxay leedahay macalliimin badan oo laba luuqadood dhiga. Ardayda aysan degmadu lahayn macallimiin afkooda hooyo dhiga oo la aqoonsan yahay, waxaa loo kordhiyaa waxbarashda afnorwiijiga.

Macluumaad ku jira internetka

Macluumaad kala duwan oo internetka ku jira oo ay degmada Trondheim diyaarisay

Sist oppdatert: 08.09.2023

Fant du det du lette etter?

Gå til toppen

arrow_upward